Dhul-Hijjah: Fursad muddan in laga faa’idaysto

Filed under: Islaam,Maxaa Cusub |

Mahadin iyo waynaynba waxa iska leh Ilaaha maalmaha, bilaha iyo saacadaha kala fadilay. Mudo aan sidaas u fogayn waxa aynu ku dhex jirnay khayrkii iyo barakadii bishii barakada badnayd ee Ramadaan. Maantana waynakaa fooda la galay bishii kale ee khayrka badnayd ee Dhul-Hijjah taas oo tobankeeda cisho ee ugu horeeyaa ay xambaarsan yihiiin khayr iyo fadli fara badan. Waa maalmo mudan in la ogaado fadligooda sidaas oo kalena ay tahay in laga faa’idaysto.

Fadliga Maalmahan

  1. Waynaanta ay leeyihiin dartood ayuu Ilaahay ku dhaartay maalmahan. Waxa uu Alle yidhi “Waxaan ku dhaartay fajriga iyo tobanka habayn”(AL-Fajr 1-2). Tafaasiir badani waxa ay sheegayaan in ay tobankan habayn ay yihiin 10 ka habayn ee ugu horeeya bishan Dhul-Hijjah.
  2. Wanaaga maalmahan la sameeyo ma jiro wanaag u dhigmaa. Waxa uu sheegay Nabigu (Naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha ahaadeene) in aanu jirin Camal ka fadli badan camalka lala yimaado maalmahan. (Abu Daa’uud– 2438)
  3. Waxa ka mida maalmahan maalinta loo yaqaan “Yawmu Tarwiyah” oo ah maalinta sideedaad ee bishan taas oo uu Xajku bilaabmo. Xajkuna sidaad ogtihiinba waa rukunka 5 aad ee rukunada Islaamka.
  4. Waxa ku jira maalinta Carafa oo ah maalmaha Alle maalinta ugu fadliga badan. Waa Maalin Alle uu dhaafo danbiyada in badan oo ka mida adoomihiisa. Sidoo kale waa maalin uu Alle in badan oo adoomihiisa ah ka xoreeyo Naarta.
  5. Waxa ku jira “Yawmu Naxar” kaas oo ah maalinta 10 aad ee bishan taas oo uu Nabigu sheegay in ay tahay maalmaha Alle maalinta ugu wayn .
  6. Guud ahaan maalmahani waxa ay KULMIYEEN cibaadooyin badan. Waxa ay KULMIYEen Salaad, Sadaqo, Siyaam iyo Xaj. Sidaa darteed ayaa waxa ay yihiin maalmo qiimo wayn leh.

Sidee baynu uga faa’idaysanaa maalmahan

  1. Toobada aynu badsano: Fursadahan oo kale waa fursadaha looga faa’idaysto in Alle loo soo noqdo, sidaa darteed aan ka toobad keeno dhac dhicii inaga dhacay maalmihii, bilihii iyo sanadadii aynu soo dhaafnay.
  2. Soom: Soomku waa cibaadooyinka Alle loogu dhawaado kuwa ugu qiimaha badan sidaa daraadeed aynu isku dayno in aynu maalmahan ka soomno intii karaankeena ah. Waxa jirta axaadiis ishaaraysa in uu nabigu(Naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha ahaadeene) Soomi jiray sagaalka maalmood ee ugu horeeya bishan. Imaam Nawai waxa uu sheegay in Soomka maalmahani uu yahay mid aad u fiican.
  3. Xuska Alle oo La badsado: Waxa uu soo wariyay Iimaam Bukhaari in Cabdilaahi Ibn Cumar iyo Abaa Hurayrah (laba saxaabi) in ay suuqyada wareegi jireen maalmahan iyaga oo kor u qaadaya TAKBIIRTA , dadkuna waa ay ka daba akhrin jireen. )
  4. Udxiyada: In qofkii uu Alle dartii wax u gawraco, waa hadii uu awoodo. Culimadu waxa ay yidhaahdeen gawraca Alle dartii loo gawraco maalmahan Waa Sunayaasha la adkeeyay. Waana Sune uu jideeyay nabigeenii. Culimada qaar waxa ayba qabaan in ay waajib tahay.
  5. Soomka Maalinta Carafa: Waxa uu nabigu sheegay in qofkii maalintan sooma uu qofkaas Ilaahay dhaafo danbigiisa laba sano, sanad tagay iyo sanad soo socda.

Gabagabo

Walaalayaal…..Maalmahani waa maalma aan soo noqon doonin Sidaa daraadeed ka faa’idayso inta aanay dhamaanin. Ugu yaraan yaanu ku dhaafin Soomka maalinta Carafadu. Ilaahay khayrka ha inoo fududeeyo.

Siciid Cali Axmed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>