Ahamiyada ay leeyihiin jaaliyadaha qurabuha darteed ayaa bogga dacawada.com waxa uu idiin soo gudbin doonaa waraysiyo aanu la yeelanayno madaxda jaaliyadaha kala duwan ee Soomaalida. Waxa aanu dhawaan warsyis la yeelanay Daahir Maxamed Celmi oo ka tirsan hogaanka Xaruunta Iskaashiga Islaamka ee Norwey. Waraysigii waxa uu u dhacay sidan:
Dacwada.com : Xaruunta iskashiga Norway goorma ayaa la asaasay?
Daahir: Xarunta waxaa la`aasaasay 26.09.2005.
Dacwada.com : Baahida loo qabay in xaruuntan la asaaso se maxay ahayd?
Daahir: Baahida looqabay waxay ahayd in Norway oo dhami aysan kajirin xarun fikirka dhex dhexaadka ah laga baahiyo oo afka soomaaliga ku hadashaa.
Dacwada.com : Waa maxay ahdaafta ugu waaweeyn ee Xaruunta Iskaashiga Islaamka Norway?
Daahir: Faafinta iyo soobandhigidda islaamka muctadilka ah wadankan Norway gudihiisa.
Intaa iyo kuwo kale oo aan u aragnay inay maslaxadu ugu jirto bulshada ku nool wadankan kuwo Muslim ah iyo kuwo aan Muslimahaynba.
Dacwada.com : Wax yar ma nooga taataaban kartaa waxqabadka xaruunta ee ilaa waqtigan?
Daahir: Xarunta markii la`aasaasay waxay dhigatay qodobo ay u aragtay istiraatiijiyada marxaladaa oo dhamaan u hirgalay, waxayna kala yihiin:
Dacwada.com : Xaruuntu ma xaruun u khaas ah Soomaalidaa? Mise muslimiinta oo dhan ayaa wadaaga?
Daahir: Xarunta magaceedii hore waxaa la oranjiray Xarunta iskaashiga Soomaalida Norway, balse markaan xarunta furnay oo aan aragnay ruwaadeeda iyo dadka sda maalin laha ah uga faa`iidaytaa iyo sumcadeenaba sida ay ku jirtaa, waxaan go`aansanay in magaca labadalo lagana dhigo Xarunta Iskaashiga Islaamka Norway, taasoo ay xaruntu ka dhigtay meel aan muslimiinta kala lalhayn oo aan ku arkaysid si isku wadamid ah dhamaan jinsiyadaha muslimiinta ee wadanka kunool, waxaase jirta in maamulka Xarunta uu yahay mid ilaa iyo hadda Soomaali ku kooban.
Daahir: Wax ma nooga sheegi kartaa horumarka iyo turunturooyinka waaweeyn ee hor yaala dadka Soomaaliada ah ee ku nool Norway?
Dacwada.com : Dhibaatada ugu wayn ee dadka Soomaalida horyaalaa waxaa ugu muhiimsan inaysan lahayn wax mideeya dhan walbaa oo ay danahooda ku qabsadaan, iyadoo ah jaaliyadaha jaalilyada ugu daciifsan xagga noocyada kala buwan ee ay ka kooban tahay Caruur, hooyooyin, waayeel, dhalinyaro oo intaba ubaahan racaaya gaar ah.
Dacwada.com : Dhaliinyaradu waa qaybta ugu badan ee jaaliyadaha Soomaalida qurbaha, waanaga mustaqbalka Soomaaliduna iyaga ayuu ku xidhan yahay, sidaaa daraadeed wax ma nooga sheegi kartaa sida uu yahay xaalka dhaliinyarada Soomalida ee deggan Noraway?
Daahir: Dhalinyarada Soomaalid ee wadankani waxa ay lamid yihiin dhalinyarada soomaalida ee kudhaqan wadamada reer galbeedka guud ahaan, tayadooduna waxay ku xiran tahay guryahay ay kasoo kala baxaan, hadii guriga uu yahay guri ay isfahamsan yihiin dadka ku nool isku sina ay u arkaan nolosha waxay ubadan tahay in ubadka kasoo baxaa uu noqdo ugu yaraan mid waajibaadkiisa gutaa, waa run dhilintu waa kooxda ugu badan ee dadka soomaalida ah, hadana inbadan oo kamid ahi waxbarashada madhamaystaan, daruufo caa`ili ah ama dhaqaale ama mid dhaqan xumo ah, waxaase jirtaa in sanadahaan dambe ay kusoo badnayaa inta waxbarataa, marka loo eego sanadihii hore, waxayna yeelanl kartaa sababo badan, majiraan urur ama hay`ado sigaar ah isaga xilsaaray wax uqabshada dhalinta maxaa yeelay intooda badni ururada soomaalidu waxaa aasaasay dad iyagoo waawayn wadamadaan yimid, marka laga tago quraanka caruurta loo dhigaa mooyaane risaladooda intooda badani kuma wajahna dhalinyrada inta ku barbaartay.
Dacwada.com : Sanadkasaba Shir ayaad u qabataan dadwaynaha Soomaaliyeed ee degan Norwey, warbixin gaaban ma naga siin kartaa ujeedooyikna shirarkan aad sanad kastaba qabataan?
Daahir: Ujeedooyinka shirkani waa shir dacawi ah islamarkaana iclaami ah, bulshaduna ay tacawuday ayana ka helayso jawaabo ay mudo raadinaysay. Waxaa kaloo ujeedooyinkiisa kamid ah in bulshada loogudbiyo afkaarta ay xarunta islaam ahaan aaminsan tahay, laguna soo bandhigo qadaayaadka xasaasiga ah ee markaa bulshada dhexyaalaa si loo bayaaniyo.
Dacwada.com : Waa maxay fariinta ugu danbaysa ee aad rabtaan in aad gaadhsiisaan akhrisayaasha dacwad.com?
Daahir: Ugu horayn waxaan umahadcelinaynaa dhamaan inta ku hawlan soobandhigida arimaha muslimiinta meelayjooganba sida warsidaha Dacwad.com., waana waajib in ihtimaam lasiiyaa arimaha muslimiinta.
Waxaan usoojeedinayaa in ugu horayn Rabbi laga baqaa meelaan joognaba, islamarkaana ayanaan mutafarijiin kanoqonin saaxada ee qofwalbaa uu intii awoodiisa ahi ku dadaallo sidii uu danta guud ugu dadaali lagaa, in laeg inta uu dantiisa gaarka ahi ku dadaalo, maxaayeelay ruuxaan danta guud ilaalin waxa u waayayaa danta gaarka ah, danteena waxay kadhexmuuqataa tan guud ee halagu dadaalo, cudurdaarna aan Rabbi agtiisa u horumarsano